somalia observer

Greater Somalia (Somaaliweyn)

Sanad Guuraddii 51kii Xornimada iyo Mideynta Soomaaliyeed

   Qabiil Qaran Ma Dhiso

Sida la wada ogsoon yahay waa 51 guuraddii calanka iyo qaranimadda soomaaliyeed, June 26, 1960kii xorriyadda gobolada waqooyi iyo maalinta July 1, 1960kii goboladda koonfur ahna maalinta israaca labada gobol, waxaa xusid  mudan maalinta weyn oo taariikhi ah qiimo iyo qadarin ba ugu fadhido ummadda soomaalyeed, waa maalin duco iyo abaal ba muddan. Sidaasi darted waxaan halkaani hambalyo uga dirayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan . Runtii waa maalin weyn oo aan la ilaabi Karin oo ku weyn quluubta shacabka soomaaliyeed , waa maalintii calankeyna la taagay kii gumeysigana la siibay waa na maalintii gunnimadda aynu ka baxnay.

Waxaan halkaani hambalyo si gaar ahaan ugu soo jeedinayaa walaaleheyn reer Soomaaliland guusha ay gaareen oo ahayd in ay ka gudbeen Qabiil oo ay u gudbeen Qaran iyo Dimoqaraddi dhab ah , sidaasi dareteed waxaan leeyahay walaalaha koonfurta in ay kaga daydaan dadaalka dheeraaka ah ee ay muujiyeen shacabka reer Soomaaliland.

Hase yeeshee waxaa nasiib daro ah 51 sano ka dib soomaalidii xorta ahayd in ay u kala googodo dhowr qaybood oo qabiil ku dhisan , gobol walaba sameystay magac iyo madaxweyne u gaar ah ,taaso lagu marin habaabinaayo ujeeddooyinkii iyo himilooyinkii halgankii xisbigii SYL iyo muwaadaniinta soomaaliyeed ee gumeysi diidka ahaa , kala googo’aan iyo state yadda faraha badan ee manta soomaaliya u kala qaybsantay ay halis weyn ku tahay mustaqbalka midnimadda ummmadda soomaaliyeed, taasoo farxad gelineysa gumeysiga soo jireyka ah ee cadowga ummadda soomaaliyeed iyo kuwa u adeega gumeysiga. Burburka iyo kala taga maanta dalka ka jira waxay salka ay ku haysaa barnaamijkii gumeysiga oo ahaa qaybi oo xukun iyadoo ka tarjumeysa riyaddii gumeysiga uu ka tagay markii dalka laga xoreeyey , waxaa ayaan daro ah in gacamaha dadweynaha soomaaliyeed lagu fuliyey burburka iyo kala taga maanta dalka uu ku sugan yahay .

Xornimadda maanta aynu haysano waxay ku timid dhiigii dadweynaha soomaaliyeed oo naf iyo maalba u huray taasoo aan si na lagu ilaabi Karin {Gobanimaddu: waa geed har weyn oo ku baxa dhiiga dadweynaha} , xornimadau waa qaali ma ah mid ku timid si fudud, balse waxaa lagu bixiyey naf iyo maal isla markaasi na loo hibeeyey geesiyaddii dalka oo u daadiyey dhiigood qaaliga ah.Runtii gobanimaddu waxaa lagu gaaray halgan adag, wadajir, daacadnimo, isku kalsooni iyo midnimo wadaniyad xambaarsn.

Xisbigii SYL koonfur iyo SNL waqooyi oo xusid mudan doorkii ay ka soo qaateen soo dhallinta xornimada maanta aynu ku faano, shacabka reer waqooyi waxay go’aansadeen in ay soo raacaan walaalahood konfureed sharuud la’aan, maxaa yeelay waqooyi had iyo jeer waxay ka shaqeyn jirtay raadinta midnimada soomaali weyn , taasi waxaa daliil cad u ah in cuqaashii goboladda waqooyi 1946dii waxay ingriiska ka codsadeen in soomaaliya u mideyo iyagoo ku adkeyey ingriiska inuu isku daro 5ta soomaaliyeed , sannadkii 1947dii mar labaad cuqaashii reer waqooyinka oo ay ka mid yihiin:-

  • 1. Suldaan Maxamuud Cali Shire
  • 2. Suldaan Cali Muuse
  • 3. Suldaan Maxamed Faarax
  • 4. Suldaan Xirsi Cabdullahi
  • 5. President General SNS: Saciid Caabi
  • 6. Xoghayaha Guud SNS : Maxamud Jaamac Uurdoox
  • 7. Yuusuf Imaan Burcaawi
  • 8. Adan Cabdi
  • 9. Maxamuud Cabdi Caraale 10. Akhil Yuusuf Xirsi

kuwa kale fara badan oo aan halkani aan ku soo koobi karin, kuwaasoo dhowr jeed codsi kale duwan ay u jeediyeen colonial Office ingriiska, in sharuud la’aan soomaaliya oo mideysan in la gaarsiyo xornimo buuxa, iyagoo ku adkeynaayey dawladda Ingariiska in soomaali mideysan la helo ka dibna ingriiska hogaanka u qabto, qoraalkii Uurdoox u gudbiyey uu ku sheegay in 90% ummadda soomaaliyeed ay isku raacsan yihiin in ay helaan xornimaddooda iyagoo mideynsan 5ta soomaaliyeed ah , maadaama ingriiska gacanta ugu jirtay inta badan ee qayba soomaaliya marka laga reebo Jabuuti oo ay gacanta ugu jirtay dawladda France, taasoo ay ka codsadeen inuu gorgortan la galo dawlada France, si ay ugu soo wareegto gacanta dawlada Ingriiska.

Hase yeeshee waxaa nasiib daro ah 51 sano ka dib soomaalidii xorta ahayd in ay u kala googodo dhowr qaybood oo weli ay ku sii socdaan wadadii gaarsiin lahayd inay degmo degmo u kala googo’aan taasoo farxad gelineysa gumeysiga soo jireyka ah ee cadowga ummadda soomaaliyeed.

Arrimaha aan kor ku soo xusay oo ah kala taga shacabka soomaaliyeed waxay ahayd qorshahii gumeysiga uu dajiyey soomaalidii ka madax banaanaatey gacantii gumeysiga, taasoo ujeeddada ugu weyna oo laga lahaa ay ahayd in la iska ilaabo in lagu fakaro in ay dib u soo noqoto himiladdii halgankii xisbigii SYL oo ahaa in maalin la gaari doono ama la heli doono soomaali weyn oo xor ah . Burburka iyo kala taga maanta dalka ka jira waxay salka ay ku haysaa barnaamijkii gumeysiga iyadoo ka tarjumeysa riyaddii gumeysiga uu ka tagay markii dalka laga xoreeyey , waxaa ayaan daro ah in gacamaha dadweynaha soomaaliyeed lagu fuliyey burburka iyo kala taga maanta dalka uu ku sugan yahay.

Waxaan xusid mudan oo aan mar na la ilaabi Karin in dadweyne fara badan u soo halgamay oo naftoodda qaaliga ah u soo huray xornimadda oo aan maannta haysano iyo calanka sharafta leh oo muujinayaa haybadda iyo sharafta qaranimada dalka iyo dadka soomaaliyeed. Waa arrin laga xumaado in koox wax magarad ah in ay calanka ku tilmaamaan wax aan qiimo ku fadhinin, waxaan leeyahay kooxdaasi calankaani buluuga ah wuxuu astaan u yahay jiritaanka shacabka soomaaliyeed, ummad kasta ba ha noqdeenn muslin ama gaal waxay xaq u leeyihin in ay yeeshaan astaan iyaga u gaar ah soomaali na waxay ka mid tahay umaddaha adduunka waxayna xaq u leedahay astaan lagu garto.

Waxaan dhab ah in xornimadda maanta aynu haysano waxay ku timid dhiigii dadweynaha soomaaliyeed oo naf iyo maalba u huray taasoo aan si na lagu ilaabi Karin {Gobanimaddu: waa geed har weyn oo ku baxa dhiiga dadweynaha} , xornimadau waa qaali ma ah mid ku timid si fudud balse waxaa loo hibeeyey geesiyaddii dalka oo u daadiyey dhiigood qaaliga ah. Gobanimaddu waxaa lagu gaaray halgen adag, wadajir, daacadnimo, isku kalsooni iyo midnimo wadaniyad xambaarsn.

Waa arrin laga naxo in mirihii gobanimadoonka ay ku burburaan gacan soomaaliyeed oo aan dan ka lahayn dadka iyo dalka ba , kuwaasoo aan oggoleyn qaranimadii iyo sharaftii dalka uu lahaa in ay dib u soo noqoto , waxaana laga shaqeeyey in ay soomali dib dambe ugu soo noqonin awooddii ay shalay lahayd taasoo lagu tilmaami jiray Libaaxyaddii Geeska Afrika.

1da Luuliyo waa maalin xusuus weyn ku leh dhamaan ummadda soomaaliyeed runtii xornimadda ummadda soomaaliyeed si sahlan kuma imaanin balse halgan adag ayaa loo soo galay oo naf iyo maal ba loo huray, taasoo dad badan ayaa dhiigooda ugu hibeeyey sidii loo gaari lahaa xornimo taam ah . Sidaasi darteed halyeeyadaasi naf iyo maal ba u huray sharafta maanta aynu haysano waxay naga mudan yihiin in aan xusno isla markaasi na aan u duceyno inuu janaddii firdoosa ahay Eebbe ka waraabiyo.

Xisbigii SYL koonfur iyo SNL waqooyi oo xusid mudan doorkii ay ka soo qaateen soo dhallinta xornimada maanta aynu ku faano, shacabka reer waqooyi waxay go’aansadeen in ay soo raacaan walaalahood konfureed, maxaa yeelay waqooyi had iyo jeer waxay hamineysay ama ay ka shaqeyn jirtay midniamda soomaali weyn , taasi waxaa daliil cad u ah in cuqaashii goboladda waqooyi 1946dii waxay ingriiska ka codsadeen in soomaaliya u mideyo iyagoo ku adkeyey ingriiska inuu isku daro 5ta soomaaliyeed , sannadkii 1947dii mar labaad codsi kale ay u jeediyeen ingriiska iyagoo ku adkeynaayey in soomaali mideysan la helo oo ingriiska hogaanka u qabto isla markaasi na gaarsiiyaan xornimo taam ah oo ka kooban soomaali weyn, qoraalkii Uurdoox u gudbieyey uu ku sheegay in 90% ummadda soomaaliyeed ay isku raacsan yihiin in ay helaan xornimaddooda iyagoo mideynsan 5ta soomaaliyeed ah , maadaama ingriiska gacanta ugu jirtay inta badan ee qeyba soomaaliya, taasoo ahayd himilada shacabka soomaaliyeed.

Haddii aan si kooban u dul maro taariikhda 1Luuliyo oo ah maalin weyn oo aan lagu soo koobi Karin qoraalkaani laakiinse waxaan jacalahay in aan waxa yar ka xuso.

Bishii Oktoober 1949kii: Muddni Cabdullahi Ciisi Maxamud oo ahaa xoghayihii guud ee SYL markii uu tagay United Nations wuxuu baaq u soo jeediyey dhamaan ummmadda soomaaliyeed meel kast oo joogaan , baaqasi oo ku sabsanaa in shacabka soo maaliyeed oo ay halgan xoog leh u galaan si looga hortago qorshaha talyaaniga SFORZ –BEVIN iyo Dawladda Ingariiska in soomaaliya gacanta loo geliyo dawladda talyaaniga united nation qorshahaasi way diiday, qorshahaasoo ujeeddooyinkiisa ugu waa weynaa u ahaa in talyaaniga ku andacoodday in gacanta loo geliyo soomaaliya maadaama uu hanti fara badan ay u taalo isla markaasi na si dhulka soomaaliyeed uu u keeno ama u soo dejiyo dad talyaani ah si ay u noqoto soomaaliya ay u noqoto habkii south Africa oo kale oo halkaasi ay ka dhashaan is dhex gal ummadda soomaaliyeed iyo dad talyaaniga {integration}, Allaha u naxriistee Cabdullahi Ciise wuxuu ummadda soomaaliyeed ku baraarujiyey in xoogooda ay isku geeyaan si qorshahaasi talyaaniga ee hagardaamadda badan lagu baajiyo oo looga hortago . Mar alla markii xisbiga ay soo gaareen baaqasi Cabdulllahi ciise uu ka soo jeediyey New York , waxay 5tii Oktoober 1949kii laga abaabulee banana baxa weyn oo ka dhacay Dhaxag tuur , halkaasi oo ay ka dhacday mashaqooyin oo dhimasho iyo dhaawacba isku jiray, kuwaasoo ay geesteen askartii gumeysiga ingriiska.

Bishii September 1949kii Qaramada Midoobey (United Nation) shirweynii ay yeesheen waxay go’aan sadeen in soomaaliya loo dhiibo maamulkeedii Dawladda Talyaaniga iyadoo 4tii dawladood oo ah kuwii ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka ay u ahaan doonaan la talinta maamulka muddo 10 sano ah in soomaaliya la gaarsiiyo xornimo.

1dii April 1950kii Taliyaniga wuu ingriska kala wareegay Mamulki dalka Soomaliya.

12kii Oktobar 1954tii waxaa la gudoonsaday in Dalka loo sameeyo calan,kaasoo noociisa ah blug oo dhexda kaga taal xidig cad oo shan geesoo ah, taasoo macnaheeduna yahay shanta SOOMAALIYEED oo 1884tii shirweynihii Berlin lagu qaybsaday soomaaliya . Waxaan xusid mudan oo aan mar na la ilaabi Karin in dadweyne fara badan u soo halgamay oo naftoodda qaaliga ah u soo huray xornimadda oo aan maannta haysano iyo calanka sharafta leh oo muujinayaa haybadda iyo sharafta Qaranimada dalka iyo dadka soomaaliyeed,12-ka Oktoobar 1954-kii waxay ahayd markii ugu horeysay ee xilligii daakhiliyada oo Calan Soomaaliyeed uu hawada ka dul babado, xilligaas oo ay dadka Soomaaliyeed dhammaantood ay u riyaaqeen una dabaal degeen inay mar uun indhaha saaraan astaanta calanka Buluugga ah ee Xiddigta cad ee shanta gees leh dhexda ku leh waxaa xusid mudan SHEIKH ABUKAR SHEIKH CABDULLAHI( Qaali JIIF) Allaha ha u naxriistee oo markii koowaad uu hawada ka dul babado calanka Soomaaliyeed ka taagan Xarunta Dawladda (Ufficio Governo) 12kii Oktobar 1954 markaas wuxuu haayay xilka ah(Chief Qaali).

1954-1958dii waxaa la qabtay dorashooyinkii golayaasha degaannada dalka oo dhan waxaa kaloo la abuuray golaha sharci dejinta.

29kii April 1956dii waxaa la qabtay doorashooyinkii siiyasadda lagu na soo doortay dalka oo dhan. Golahaasi wuxuu ka goonaa 70 kursi. 60 ka mid ah waxaa loo qeybiyey xisbiyadii tartamaysay , SYL waxay heshay 43 kursi , Xisbiya na 13 kursi , 10 kursina waxaa loo qeybiyey ajaanibta dalka ku noolaa , (a) Talyaani 4 kursi (b) Carabta 4 kursi (c) Pakistan 1 kursi (d) Hindi 1 kursi , Xisbiga Dimoqaradiga 3 kursi iyo Xisbiga Midowga M 1 kursi . Golahaasi oo ahaa kii golaha shacabka ee la soo doortay waxaa guddoomiye ka noqday Mudane Aadan Cabdulle Cismaan.

7dii Maajo 1956dii SYL waxaa loo xilsaaray inay soo magacawdo Ra’iisal Wasaare, Ra’iisal wasaarihii ugu horeyna waxaa loo soo magacaabay mudane Cabdullahi Ciise Maxamoud oo soo dhisay dawlad ka kooba Ra’iisal wasaare iyo 5 wasiir.

1959kii CABDULAHI CIISE uu soo dhisay dawlad ka kooban Ra’iisal Wasaare iyo 10 wasiir .

12 April 1960kii waxaa la dhisay ciidan xooga dalka soomaaliyeed oo uu hogaaminaayay Allaha ha u naxriistee General Daa’uud Cabdulle Xirsi, khudbadii ugu horeysay ee uu soo jeediyey Allaha ha u naxriistee wuxuu yiri, “ Maanta waxaa la aasaasay Ciidankii dalka daafi lahaa haddii cadaw ku soo gardarooda ama ku soo duulo.

1da Luuliyo 1960kii oo ahayd maalintii xornimada iyo isku darkii koonfur iyo waqooyi. Golahii barlamaanka na wuxuu ka koobnaa 123 xubnood, koonfur waxay lahayd 90 xubnood waqooyina 33 xubnood .

Shirkii ugu horeyey ee barlamaanka uu qabto waxaa ka soo qeyb galay 115 xubnood inta kale na way ka maqnaayeen , shirkaasi na waxaa si buuxda lagu doortay madaxweynihii ugu horeyey uu dalka yeesho wuxuu ahaa , Allaha ha u naxriistee Mudane Aadan Cabdulle Cismaan, waxaana Ra’iisal Wasaare u noqday Allaha ha u naxriistee Mudane Cabdirashiid Cali Sharma’arke .

Sannadkii 1964tii waxaa na dawladii labaad dib u soo dhisay Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xusein.

Bishii June 1967dii waxaa madaxweyne loo doortay Muddane Cabdirashiid Cali Sharma’arke, oo soo magacaabay 15kii Luuliyo Ra’iisal Wasaare Allaha ha u naxriistee Mudane Ibraahim Cigaal oo soo dhisay dawladii seddexaad .

Nasiib daro waxaa noqotay in 15kii Oktoober 1969kii lagu dilay magaalada Laas caanood madaxweynihii dalka Muddan Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo booqasho ku maraayey goboladda waqooyi .

Dilkaasi ka dib 21kii Oktoobar 1969kii waxaa dalka qabsaday ciidanka {Golaha Sare ee Kacaanka Soomaaliyeed}oo uu hogaaminaayey Allaha ha u naxriistee Maxamed Siyaad Bare.

Bishii Oktober 21, 1972dii: Waxaa si rasmi ah loo qoray Afka Soomaaliga oo wixii xilligaas ka horeeyey aan qornayn laakiinse dhowr jeer lay isku dayay in la qoro hase yeeshee ma lagu guuleysanin hase yeeshee dawladdii militariga ahayd waxaa u suurta gashay in ay hergeliso ama ay qorto afka soomaaliyeed isla markaasi na ay ku baahiso goboladda iyo degmooyinka dalka oo dhan, waxayna go’aansadeen in maamulka dawladda lagu qoro afka Soomaaliyeed.

Sannadkii 1976dii waxaa lagu dhawaaqay Xisbiga Hantiwadaag Kacaanka Soomaaliyeed (Somali Revolutionary Socialist Party) ,muddo 21 sanadood ah ayaa dalka gacanta ku hayay xukun Military ah oo aaminsanaa hantiwadaaga cilmiga ku dhisan.

26kii Janaayo 1991kii oo ahayd maalintii ay dhacday maamulkii Militariga oo u hogaaminaayey Mahamed Siyaad Barre, ilaa iyo maanta weli waxaa la la’yahay dawlad awood badan oo dalka oo idil maamuli karta. Markii ay dawladdi dhexe ay halkaasi ka baxay shacabka soomaaliyeed waxaa ku habsaday musiibo oo ilaa iyo manta ay ka soo kabsan la’yihiin, haybaddii iyo sharaftii ay adduun weynaha ku lahaan jireyna ay burburtay. Waxaanu ilaahay ka baryeynaa inuu dib u soo celiyo sharaftii iyo haybaddii ay lahaayeen shacabka soomaaliyeed.

Sanad guuradan 51aad ee 1da Luulyo ayaa waxay ku soo beegantay xaalad aan deganayn oo uu dalku ku sugan yahay dagaallo aan joogsi lahayn, abaaro ku baahay dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka Soomaaliya oo dhan taasoo kaddib markii ay roobabkii yaraadeen waxsoo saarkiina uu yaraaday ay timi in ay bilowdaan xaaladan abuurtayna abaaraha iyadoo ay weheliyaan arimo kale oo la xiriira xaalufinta degaanada ku xeeran dhulalkaa oo si naxariis darra ahi dhirtii looga xaalufiyey taasina ay noqotay in xoolihii iyo dadkiiba ay gabaad waayaan, dhirtii la xaalufiyeyna dhuxul looga istimaalo waddamo fara badan oo dalka Soomaaliya deris la ah oo aan doonayn inay dhirtooda xaalufiyaan taasina ay noqotay nasiib darro ku habsatay shacabka Soomaaliyeed oo ay nabadgelyo darradu iyo abaartu hadheesay muddo imminka ka badan 21 Sanadood ah.

Haddaba waxaa loo baahan yahay in ummadda soomaaliyeed in ay xil adaga iska saaraan sidii looga hortagi lahaa qorshooyinka foosha xun gumeysiga cusub la damacsan yahay dhulka soomaaliyeed inuu kala jar jaro oo maanta indhaha dadweynaha soomaaliyeed aan ka qarsooneen , sidaasi darted dhallinyaradda maanta jirta waxaa looga baahan yahay in ay go’aan adag qaataan isla markaasi na ay oggaadaan inuu xil ka saran yahay samata bixinta dalka iyo dadka soomaaliyeed oo ay ka hortagaan damac gumeysiga madow iyo kuwa soomaali diidka ah oo aan marnaba ogoleyn in ay dalka ka dhallato dawladda mideysan oo awood badan oo hogaanka u heysa ummaadda soomaaliyeed, kana difaacda cid alla ciiddii ku soo gardaroota ciida soomaaliyeed.

Sidaasi darted dhallinyaradda maanta jirta waxaa looga baahan yahay in ay go’aan adag qaataan isla markaasi na ay oggaadaan inuu xil ka saran yahay samata bixinta dalka iyo dadka maxaa yeelaya shalay dalkaani waxaa badbaadadiisa ka qayb qaatay dhallinyaro soomaaliyeed oo ay ka hortagaan damac gumeysiga madow iyo kuwa soomaali diidka ah oo aan marnaba ogoleyn in ay dalka ka dhallato dawladda mideysan oo awood badan oo hogaanka u heysa ummaadda soomaaliyeed , kana difaacda ciida iyo calanka soomaaliyeed. Waxaa nasiib daro ah in mirihii gobanimadoonka ahaa oo loo huray naf iyo maalba ay ku burburaan gacan soomaalilyeed oo aan dan ka lahayn dadka iyo dalka ba, kuwaasoo aan oggoleyn qaranimaddii iyo sharaftii dalka uu lahaan jiray in ay dib u soo noqoto,Muddo 20 sanadood iyo in ka badan waxaan la’nahay haybaddii dawladdnimo hase yeeshee mustaqbalka waxaa halis loo yahay in maamulka dalka uu gacanta uu u galo gumeysiga cusub kaasoo ku haminaayey muddo dheer in uu gacanta ku dhigo dhulka soomaaliyeed.

Gobannimadii iyo isku darkii waqooyi iyo konfur:

Bishii Mey horraanteeda sannadkii 1960kii waxaa booqasho ku tegay dalka Ingiriiska afar mudane oo ka socday

xisbigii S.N.L. waxaana hoggaaminaayay Maxamed Ibraahim Cigaal waxayna xukuumadda Ingiriiska u sheegeen in ummadda Soomaaliyeed ee gobollada waqooyi ay si dhab ah u doonayaan in ay helaan gobannimo taam ah.

26kii Juun sannadkii 1960kii waxaa Ingiriiska khasab ku noqotay in uu gobollada waqooyi siiyo gobannimo

buuxda,kaddib markuu haystay oo uu gumeysanaayay sannooyin badan, sidaas daraadeed maalintaasi waxaa xor noqday gobollada waqooyi ee Soomaaliya,shan maalmood kaddibna (01/07/1960) waxaa xorroobay gobollada konfureed oo iyaguna iska saaray gumeysigii Talyaaniga isla maalintaasina waxay labada gobol isla garteen in ay midoobaan oo ay hal isu noqdaan waxayna taasi noqotay tallaabadii ugu horraysay ee lagu raadinayay Soomaali weyn.

Gumeysigii Ingiriiska markuu ka tegayay gobollada waqooyi ee Soomaaliya wax wanaagsan ee loo aayo ugama tegin,meelo uu dhisay ama uu dadkii wax barayna lama sheegin isagoo uga dan lahaa si markasta loogu lifaaqnaado oo loo baahdo loogana maarmin xag maamul ahaan iyo xag maskax ahaanba,sidaas iyo si la eg buuna gumeysigii Talyaaniguna ku sameeyay konfurta Soomaaliya,waana xeelad ka mid ah xeeladaha ay gumeystayaashu kula dhaqmaan waddamada ay gumeystaan.

Dawladdii ugu horraysay ee rayidka ahayd waxay xukunka haysay ilaa 1967kii kaddibna waxaa la doortay dawladdii

labaad ee rayidka ahayd waxayna xukunka haysay ilaa laga afgenbiyo sannadkii 1969kii,ciidamadii qalabka siday ee afgenbiyayna xukuumaddaasi waxay xoog ku haysteen maamulkii dawladnimada ilaa dabayaaqadii 1990kii,kaddibna waxaa dalkii la wareegay ururo aan urursanayn waxayna dalka ka oomiyeen in uu yeesho dawlad la aqoonsan yahay,waxayna taasi keentay rajadii ahayd in Soomaalidii shantii qaybood loo qaybiyay laysku keeno in arrintii isku rogtay in qabiil kasta uu ku dhawaaqo maamul u gooni ah.

Halgankii gumeystayaasha oo ahayd in Soomaaliya aysan marna isku imaan baaa u hirgashay,waxaana dhabanohays ku

noqotay shacabka waddaniyiinta ah ee Soomaaliyeed in maanta ay arkaan in cadowga ummadda Soomaaliyeed la hoos fadhiisto oo qofkii doonayo in uu isku soo sharraxo madaxtinimada dalka uu marka hore soo maro dalwadda Ethiopia.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa intooda badan waxay siyaasadooda ku xiraan Dalka Itoobiya Taasi waxay horseedey in Ciidamo fara badan Itoobiyaan ah ay soo galaan soomaaliya kuwaas la kulmey Dagaalo sababeyna in Ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya hase yeeshee Itoobiya waxay bilowdey in Siyaasad ahaan ay Faregeliso Soomaaliyaa waana midaas mida keeney in Madaxda Soomaalida ay isaga daba laabtaan Magaalada Addis –Ababa

Sanad guuradan 51aad ee 1da Luulyo ayaa waxay ku soo beegantay xaalad aan deganayn oo uu dalku ku sugan yahay dagaallo aan joogsi lahayn, abaaro ku baahay dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka Soomaaliya oo dhan taasoo kaddib markii ay roobabkii yaraadeen waxsoo saarkiina uu yaraaday ay timi in ay bilowdaan xaaladan abuurtayna abaaraha iyadoo ay weheliyaan arimo kale oo la xiriira xaalufinta degaanada ku xeeran dhulalkaa oo si naxariis darra ahi dhirtii looga xaalufiyey taasina ay noqotay in xoolihii iyo dadkiiba ay gabaad waayaan, dhirtii la xaalufiyeyna dhuxul looga istimaalo waddamo fara badan oo dalka Soomaaliya deris la ah oo aan doonayn inay dhirtooda xaalufiyaan taasina ay noqotay nasiib darro ku habsatay shacabka Soomaaliyeed oo ay nabadgelyo darradu iyo abaartu hadheesay muddo imminka ka badan 21 Sanadood ah.

Haddaba waxaa loo baahan yahay in ummadda soomaaliyeed in ay xil adaga iska saaraan sidii looga hortagi lahaa qorshooyinka foosha xun gumeysiga cusub la damacsan yahay dhulka soomaaliyeed inuu kala jar jaro oo maanta indhaha dadweynaha soomaaliyeed aan ka qarsooneen , sidaasi darted dhallinyaradda maanta jirta waxaa looga baahan yahay in ay go’aan adag qaataan isla markaasi na ay oggaadaan inuu xil ka saran yahay samata bixinta dalka iyo dadka soomaaliyeed oo ay ka hortagaan damac gumeysiga madow iyo kuwa soomaali diidka ah oo aan marnaba ogoleyn in ay dalka ka dhallato dawladda mideysan oo awood badan oo hogaanka u heysa ummaadda soomaaliyeed, kana difaacda cid alla ciiddii ku soo gardaroota ciida soomaaliyeed.

Sidaasi darted dhallinyaradda maanta jirta waxaa looga baahan yahay in ay go’aan adag qaataan isla markaasi na ay oggaadaan inuu xil ka saran yahay samata bixinta dalka iyo dadka maxaa yeelaya shalay dalkaani waxaa badbaadadiisa ka qayb qaatay dhallinyaro soomaaliyeed oo ay ka hortagaan damac gumeysiga madow iyo kuwa soomaali diidka ah oo aan marnaba ogoleyn in ay dalka ka dhallato dawladda mideysan oo awood badan oo hogaanka u heysa ummaadda soomaaliyeed , kana difaacda ciida iyo calanka soomaaliyeed. Waxaa nasiib daro ah in mirihii gobanimadoonka ahaa oo loo huray naf iyo maalba ay ku burburaan gacan soomaalilyeed oo aan dan ka lahayn dadka iyo dalka ba, kuwaasoo aan oggoleyn qaranimaddii iyo sharaftii dalka uu lahaan jiray in ay dib u soo noqoto,Muddo 20 sanadood iyo in ka badan waxaan la’nahay haybaddii dawladdnimo hase yeeshee mustaqbalka waxaa halis loo yahay in maamulka dalka uu gacanta uu u galo gumeysiga cusub kaasoo ku haminaayey muddo dheer in uu gacanta ku dhigo dhulka soomaaliyeed.

Qaali Jiif (Chief Qaali) SHEIK ABUKAR SHEIKH CABDULLAHI, Allaha ha u naxriitee oo dharinaayo madaxweynihii ugu horeyey uu dalka yeesho , Allaha ha u naxriistee Mudane Aadan Cabdulle Cismaan .

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: