somalia observer

Prof. Omar Mahamed Addou

In Uncategorized on September 12, 2011 at 11:23 am

Farmaajo wuxuu ku baxey wax uusan u sheegi Karin taageerayaashiisa (SOMALI-DIASPORA) waayo markii loo dhiibaayey xilka cidna ma ogeyn .” SHALAY IYO MANTA  SHIB! SHIB! SHIB! SHEEKAN HAYAA shib! shib! shib! MEEL KU SHEGA RABAA KU SHEGAA RABAYEEY MEEL KU SHEGAA RABAA ANIGA KU SHEEGAA RABAA ” Shiblee dheh waxba ha Sheegin. Wafuud aad u farabadan ayaa ku soo qul qulaya magaalada oslo ee wadanka norway .Wafuudii soo gaartay magaalada Oslo maanta aya waxa ka mid ahaa Milkiilaha iyo shaqaalaha Universal Tv iyo kooxda qeylo dhaan sidoo kale waxaa yimid dad weyne kaloo fara badan.

===================================================================================

Admiral Faarax Qare “Soomaaliya Waxay ku Waayeysaa 97% xuquuqdeeda Badda ay haysato hadda, Haddii la tirtiro Law no. 37”

In Uncategorized on September 8, 2011 at 11:29 am
  • “… 12-mayl haddii aanaan diidi lahayn waxay noqon lahayd in riigagga batroolka laga qodo Xamar dushiisa meel aad arkeysid haddii aad xeebta istaagtid. Kalluunkii in laga dabto ayey noqon lahayd,  qashinka in lagu shubo ayey noqon lahayd, Arrintaasi mid la qaadan karo ma ahayn….” “arrrintaas waa ka gariirnay, waxay noqotay ugu dambayntii in naloo soo jeediyo cudurdaar si rasmi ah wasiiradii (gaashaandhigga ee Bariga Afrika) noogu soo jeediyaan, qoraalkiina waa laga saaray 12-kii….” Faarax Qare

  •   FullNews :Faafin:| September 26, 2011 
    • ====================================================================
    • Dhismaha Guddiga Farsamo ee Dhaqangelinta Tubta Toosan La Tiigsanayo (RoadMap)

  • Inuu bixiyo talooyinka farsamo iyo fududeynta siyaasadeed ee dhaqan-gelinta roadmap-ka, isla markaana uu hubiyo in dhaqan-gelintaasi ay waafaqsan tahay heshiiskii Kampala, si joogto ahna loo raaco in is waafajiyo waxaayabaha la higsanayo, waqtiyada la doonayo in lagu qabto, iyo waxyaabaha looga baahan yahay in la dhowro marka la dhaqan-gelinayo roadmap-ka.
    ===============================================================================
    Shariifeyn & C/Wali Gaas: Ka Tanasulay Xuduudka Badda Soomaaliyeed

    Roadmap-ku wuxuu khuseeyaa arrimaha siyaasadda oo cakiran oo xal laga gaariwaayey ee kuma jirto milkiyadda sugan ee qaranku leeyahay, sida: Badda iyo khayraadka ku jira, khayraadka shidaalka dhulka ku duugan, macdanta buuraha noogu jirta, biyaha dhulka hoostiisa ku jira, wabiyada dalku leeyahay, cimilada hawada, samada dalkayaga korkiisa ku fidsan, dhirta dalka ka baxda, duunyada dadku dhaqdo, iwm.

    Diidmadii baarlamaanku gaaray 8 bilood kahor baa TFG-du u gudbisay Q. Midoobay, taasoo u ekaatay in baarlamaanku mawqifkiisa ay weli doodi ka furan tahay. Khiyaamada TFG-du waa ballaaran tahay, welina way socotaa oo lama quusan; waxaana khiyaanooyinka cusub kamid ah:

    In Baarlamaanka wax laga baddalo oo lagu soo kordhiyo xubno cusub oo waafiqi kara wax alle wixii TFG-la timaaddo. Xubnaha baarlamaanka cusub waa kuwo u nuglaan doona wax alla wixii TFG-du la timaaddo oo sharciyayn u baahan. Beelihii xildhibaannadu ka yimaadeen bay kasoo naqaysanayaa cid oggol oo ku qanacda sandureerto yar oo la siiyo.

    Full News 

    ==============================================================================

    A voice for Somalia

    Nuruddin Farah, author of a new novel, “Crossbones,” has been called the most important novelist to come out of Africa in the last 25 years. Farah, who was born in Somalia, will be teaching a writing class at the University of Minnesota this fall.

    The author of 11 novels, including his latest, “Crossbones,” Farah is considered one of Africa’s best writers. His name comes up just about every year as a candidate for the Nobel Prize in Literature. The New York Review of Books calls him the most important African novelist to emerge in the past 25 years and one of the most sophisticated voices in modern fiction. In 1998, he became the first African writer to receive the prestigious Neustadt International Prize for Literature.

    Full News 

    ==============================================================================
  • Madaxa Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobey (ahna Hindi), oo ka hadlaayey kulankii QM ee Arbacadii Sept 14, 2011 ayaa yiri “Waa in la sameeyo cabirka xuduudeeda badda Soomaaliya ee aagga ganacsiga (exclusive economic zone) si ay u dhaqan galaan qodobada Roadmap-ka ee shirkii Muqdisho…” Hadalkaas uu yiri Security Council President Hardeep Singh Puri, waa mid cadaynaya mu’aamarada ku qarsoonayd shirkii Xamar…
  • C/weli Gaas oo Shirkii UN-ka u caddeeyey in xukuumadiisu fulineyso qodobada Roadmap-ka ee shirkii Xamar….

 Full News 

===================================================================================

Wasiirka Dastuurka iyo dibuheshiisiinta Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Agostine Mahiga oo safar ku maraya waqooyiga Amerika.

September 18, 2011

Waxaa magaalada Toronto ka dhacey shir weyn oo lagu soo dooweenaayey Wasiirka Dastuurka iyo dibuheshiisiinta Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Agostine Mahiga oo safar ku maraya waqooyiga Amerika.

Shirka waxaa lagu qabtey Hoteel weyn oo ku yaal magaalada Toronto waxaana ka qeyb galey dadweyne fara badan oo ka kala yimid meelo badan. Waxaa sidoo kale shirka ka qeyb galey Ururada Somaalida ee ka howgalada magaalada Toronto.

Shirka oo socdey saacado badan ayaa si weyn waxaa loogu falanqeeyey arimamaha Somaaliya gaar ahaan abaaraha, shirkii wada tashiga ee ka dhacey Muqdisho, Road mapka loo sameeyey DFKS, iyo arrimaha dhammeystirka dastuurka cusub ee Somaaliya.

Shirka waxaa daadihinaayey Dr. Cali Faqi oo ka yimid magaalada Kalamsuu ee Gobolka Chicago si shirkaasi ugu qeyb galo. Waxaa sidoo kale shirka ka qeyb galey Ismaaciil Daahir Cusmaan oo loo xilsaarey xiriirinta socdaalka Mahiiga iyo jaaliyadaha Somaalida ee waqooyiga Amerika.

Full News 

===================================================================================

Soomaalida ( Norway ) oo Uga Mahad Celisay Dawladda Turkiga

Full News: Hakaan ka Daawo 

==================================================

Mr. Mahiga: Soomaalida Waa in lagu Dhaqmo Qodobada Shirka Mogadishu

Qaramada Midoobay ayaa ku boorisay ergada ka qayb galaysa shirka wada tashiga in ay hergaliyaan qodobada ka soo baxaya shirkaasi.

Ergayga gaar ee arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay Dr. Augustine Mhiga ayaa sheegay in ergada ka soo qayb gashay shirka wada tashiga ah ee Muqdisho ka socda in ay ku dhaqmaan oo ay hergaliyaan dhammaan qodobada ka soo baxaya shirka wada tashiga si caalamku uu u xoojiyo taageerada la siinayo dowladda Soomaaliya.

Dr. Mhiga ayaa tilmaamay in Qaramada Midoobay ay shirkaan ahmiyad weyn siineyso sidaasi darteed shirkaan waxaa ku tashanaya dhammaan shacabka Soomaaliya ee in muddo ah dhibaato ku jirtay.

U qaabilsanaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in taageerada Q.M ay siineyso Soomaaliya ay ku xiran tahay shirkan iyo sida loogu dhaqmo si meseha ay uga baxaan dadka aaminsan in aan waxa natiijo ah laga gaari doonin.

Mhiga ayaa hadalkaan ka jeediyay furitaankii shirka wada tashiga ee  Muqdisho ka furmay, isagoo carabaabay in uu ku kalsoon yahay in laga gaari doono guul islamarkaana ay shacabka Soomaaliyeed ay ka bixi doonaan mushkilada muddada labaatanka sano ay ku jirtay.

 ===================================================================================

HESHIISKA KAMPALA: Soomaalida dalka waa lala hoggaamin doona

HESHIISKA ka soo baxay shirka wakiilada Dawladda Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Kampala bishii Juun 9dii 2011 ayaa waxaa ka muuqanaysa qaab la moodo in dadka Soomaalida maamulka talada dalka lala qabanyo. Xilka maamul wixii hadda ka dambeeya ay qayb weyn ka ahaan doonan wadamada Soomaaliya ay xubnaha ka wada yihiin qaar ka mid ah ururrada sida Midowga Afrika , urur goboleedka IGAD , Qaramada Midoobay iyo weliba ururka urur dhaqaalaha Bariga Afrika. Mudada hawshaasu soconeyso kuma cada heshiiska Kampala.

Hawsha ugu weyn ee la wada qabanayo waxaa ugu muhiimsan sidii ay xukuumada, barlamaanka Soomaaliya iyo beesha caalamka ay isaga kaashan lahayeen in dhibaatooyinka dalka loo helo xal waara isla markaana aaney sidii hore oo kale u dhicin oo aheyd inay fuli waayaan wixii lagu heshiiyay taasoo sida badan salka ku heysay isqabqabsi muran badan dhaliya oo hakiyay habsami u socodka hawsha mugga leh ee shacabka Soomaalida loo qabanayay ayadoo ay inaba suuroobi weyday in qalqalka dhashay lagu xalliyo Cahdiga KMG.

Full News

===================================================================================

Ra’isul wasaarihii hore ee dowladda KMG Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed {Farmaajo}- Dadka aamisan inay qabiil wax ku noqonayaan yeysan waqtiga iska lumin

 

Ra’isul wasaarihii hore ee dowladda KMG Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed {Farmaajo} ayaa dib u dhac ku tibaaxay sida ay Soomaalidu ugu dhegan yihiin afkaaro waqtigoodii dhacay sida qabyaaladda oo dadka Soomaaliyeed facood ka reebtay.

“Haddii aad qabiil aaminsantahay dadka waad ka dambeysaa’’ ayuu tiri Farmaajo oo ka hadlayey kulan aqoon is weydaarsi ahaa oo lagu eegayay arimaha Soomaaliya oo hal ku dheg looga dhigay shirka rajada soomaaliya’ laguna qabtay magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway, wuxuuna tusaale u soo qaatay Farmaajo gobolka uu Maraykanka ka deganyahay ee New York oo dadka madowga ihi aanay wax sidaa u sii ridan ka aheyn, tiiyoo ay jirto inay midkoodba ay ka badan yihiin Irish-ka iyo Talyaaniga oo ah labada qowmiyadood ee kale ee magaaladaasi ugu badan marka laga soo tago dadka Afrikaan Maraykanka ah taas oo ay ugu wacan tahay wax wada qabsi la’aantooda.

Full News 

===================================================================================

Aragtiyo kala duwan oo laga bixiyey tekitaankii Masuuliyiin Turkiyi tageen xaga Xarakada Al Shabaab

 

Fajiciso iyo yaab bay ku noqotey Shacabka Soomaaliyeed markii Masuuliyiin ka tirsan Hayadaha Gargaarka ee Dalka Turkiga ay u gudbeen Dhulka ay Maamulaan Xarakada Al-Shabaab , waxaana lagu waramey in iyaga oo aan kala tashan Dowladda Federaalka ay boooqdeen Xeroyin ku yaalka Gobolka Shabeeladda Hoose , ka dib ay si aad ah u amaanaan Habka Xarakadda Alshabaab u maamulaan Xerooyinkaas iyo kala dambeynta ka jirta

Dowladda Turkiga ayaa hore u sheegtey in ay meel kasta oo Soomaali joogto ay gaarsiin doonaan gargaarka si loo samatabixiyo dadka ay saameeyeen abaaraha iyo Dagaaada waana middaas waxa soo dedejiyey in ay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Turkiga ay gaaraan Xerooyinka lagu hayo dadka abaaraha ka soo cararey, sidoo kale Dowladda Turkiga ayaa la dhihi karaa waxay u soo bareereen halista ka imaan karta Gacmo Daahsoon oo aan ogoleyn in dadka Soomaaliyeed loo gargaaro.

Full News 

===================================================================================

Aan dastuurka cusub qaadano waa aan cadaalada ka sii fogaano

Dalka Soomaliya ayaa waxaa wali lagu maamulaa Dastuurkii hore ee xiligii 60-meeyadii kaasoo la isku dayay in wax laga badalo dhowr jeer ay socon weysay waxaana ugu danbeeya midka ay inoo soo diyaariyeen haya’da UNDB-da ee hoostimaada Qaramada midoobay.

Dastuurka cusub ee hadda uu muranka ka jiro ayaa waxaa soo diyaarintiisa iska kaashaday hay’ada UNDB iyo shaqsiyaad Soomaali ah oo aan daacad ka aheyd in si daacad ah wax loo qeybsado.

Qodabada uu muranka xoogan ka jiro ayaa waxaa kamid sida loo dhisan karo Maamul Goboleedyo,waxuuna dastuurkaan cusub leeyahay waa in labadii Gobol ee is rabtaaba ay Maamul sameystaan iyadoo lagu saleynayo 18kii Gobol ee dawladdii kacaanka ay si cadaalada ka fog u sameysay,waana halka uu muranka xoogan uu ka jiro.

1990kii markii dhibaatadii iyo qabyaaladii dalka ka jirtay sii badatay oo caasimadii Soomaaliya Muqdisho oo dhamayd ay noqotay nal,aan, biyo la,aan ,nabad galiyo la,aan Bangiyadii xoolihii yaalay dad gaar ah jeebka ku shubteen,sicir barakiinaa gaaray boqolkiiba boqol, waatii markii danbana dadkii hubka wada qaateen oo Maxamed Siyaad Madaxtooyadii loogu dhacay Qarankii Soomaaliyana saa ku burburay.

Hadda iyo talo maxaa looga gudbi karaa ismaaan dhaafka iyo muranka ka jira sidii soomaaliya mar kale dib ugu soo laaban la’heyd Qaranimadii iyo karaamadii ka burburtay:-

  • 1. In awood qaybsi dhab ah oo cadaalad kusalaysan laga hirgaliyo Soomaaliya min tuulo,degmo iyo gobal.
  • 2.In dalka loo dhiso dowladd dhaxe oo tayo leh, cadaalad ku dhisan sharcigana ilaalisa,isuna soo dhaweysa shacabka Soomaaliyeed oo ay colaada kala fogeysay.

Qaar kamid ah bulshada soomaaliyeed ayaa 21-sano kadib waxaad moodaa in aysan wali ka quusanin qabalayaadii foosha xumeyd ee burburka iyo dhibaatada u horseeday dalka Soomaaliya,inta uu fikirkaas qaldana uu jiro way adag ahay in laga gudbo dhibaayadii ku habsatay dalkeena iyo dadkeena.

===================================================================================

Dr. Cali Sheikh Ahmed gudoomiyaha Jaamacada Muqdisho oo booqosho ku maraya waqooyiga yurub

In ku dhaw 400 oo ruux ayaa isugu yimid Dugsiga Maserskolan ee ku yaal Degmada iyadoo wajiyadooda laga dareemayey farxad iyo hilow lixaad leh oo ay u qabeen dhageysiga mowduuca uu Diktoorku lasoo shir tagay.

Saacaddu markay ku beegnayd 16:30 galabnimo ayay furantay muxaadaradii uu Dr. Cali ugu tala galay dadweynaha ku dhaqan Degmada Borlänge. Ugu horrayntii waxaa lagu furay Aayado Qur’aan ah, ka dibna waxaa lagu soo dhaweeyey Mikrofonka Abwaan:   Ibrahim  Max’ud Weheliye oo halkaa kasoo jeediyey Gabayo qiimo iyo qaayo leh kuwaasoo ruxay dhammaan qalbiyada dadweynihii soo xaadiray goobta.

Waxaa la’ soo bandhigay filim gaaban oo ka waramayey Jaamacadda Muqdisho iyo faracyadeeda, iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay. Intaa dabadeed waxaa si kooban looga waramay  Taariikhda Daktoorka oo kooban ka hor intaan Mikrofonka lagu soo dhawayn.

===================================================================================

Sharciga Badda Soomaaliyeed oo Af-Soomaali loo rogey 40-sano kabacdi

In Uncategorized on September 7, 2011 at 11:28 pm
 Sharciga Badda Soomaaliyeed oo Af-Soomaali loo rogey 40-sano kabacdi: SomaliTalk.com
===================================================================================

Shirweyne looga Arinsanaayay Dhismo Maamul Goboleeydka Banaadir STATE oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho

September 12, 2011 – Kulan ay ka qeyb galeen masuuliyiin isugu jirtay Xildhibaano, siyaasiyiin waxgarad, duubab, culimo, saraakiil ciidan, haween dhalinyarro iyo marti sharaf ayaa lagu qabtay Hotelka Naasa-Hablood TWO ee magaaladaan Muqdisho.

Kulankaan oo ahaa mid qado ah isla markaana looga arinsanayey sidii loo dhisi lahaa maamul goboleyd ay ku Mideysan yihiin 3da Gobol ee kala ah Sh.hoose Sh.dhaxe iyo Banadir dowlad goboleed lagu magacaabo Banadir state ayaa looga dooday waqtigaan in ay munaasib tahay dhisimahaa iyo cida ka qeybgaleysa iyo qaabka loo dhisaayo.

Full News 

===================================================================================

Sheikh Sharif oo la Qorsheynayo in Muddo 5 Sano ah loogu daro Xilka Madaxweynimada Soomaaliya

September 26, 2011  – Warar aanu ka helneyno qaar ka mid ah Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka islamarkaana Xiriir la la leh Wadamada Daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa waxay noo sheegeen in Qaramada Midoobey, Dowladaha Daneeya arrimaha Soomaliya, IGAD, Midowga Yurub iyo Mareykanka ay qorsheynayaan in Madaxweyne Sheekh Shariif oo xiligiisu ku eg yahay bisha Agoosto ee sanadka soo socda loogu darayo 5 sano oo hor leh.

Full News 

===================================================================================

Amb. Mahiga oo soo dhaweyn iyo Mudaaharaad kala kulmay Jaaliyadda Soomaalida Minnesota, USA

 

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga oo baryahanba booqasho ku joogay waqooyiga Mareykanka ayaa soo dhaweyn iyo mudaarahaad kala kulmay jaaliyadda Soomaalida gobolka Minnesota.

Mahiga ayaa magaalada Minneapolis loogu sameeyay soodhaweyn, isagoona la kulmay dad isugu jira aqoonyahanno, odayaal, dhalainyaro, haween iyo ururo soomaaliyeed oo ku dhaqan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

=====================================================================================

Letter to H.E. Ambassador Augustine P. Mahiga from the Toronto, Canada Somali Diaspora Community

H.E. Ambassador Augustine P. MahigaDear Ambassador;September 17, 2011  


It gives us a great opportunity and distinct honor to meet with you and discuss the dire situation in Somalia and in specific term the role of the United Nations spearheaded by yourself as the Special Representative of the Secretary General.
The current political development in Somalia presents an historic opportunity that is as significant of political development as that happened in Somalia during its independence in 1960. Somalis in the Diaspora are morally obliged to act in the national interest of Somalia. It is in this spirit of collective responsibility that we submit this paper. Somalia can be remade out of the ashes of civil war, devastating famine, decades of brutality, and total state collapse, if we take our enthusiasm to the next level by translating our words with action.
It is our view that the plan to end the transitional periods in Somalia offers an opportunity to design a new legal framework that brings political, social and economic unity among the Somali people under legitimate government that promotes the individual rights of all Somalis, and guarantees the sovereignty and territorial integrity of Somalia. 

Full News 

 ===================================================================================

Dalad Matalaysa Soomaalida Norway OO Lagu Dhawaqay

Halkaan Ka  Daawo

==================================================================================

Muqdishow Waa Magaalo Taarikh Fac Weyn

 

Haddii aan wax ka xuso taariikhda faca weyn ee ay leedahay Magaladda Madaxda soomaaliya ee Mogadisho, oo  ka mid ah  gobolka Banaadir . Runtii ma ha mid qoraalkaani lagu soo koobi karo balse waxaan jaclahay in aan si kooban u xuso oo aan wax ugu tilmaamo taariikhdda haddii Alla idmo.

Haddba guud ahaan gobolka banaadir waa degaan aad u baalaran oo ilaahay ku maneystay khayraad fara badan oo dhul iyo bad ba leh. Dadka degaankani benaadir degenaa waxaa ilaaahay  hibo u siiyeye ilbaxnimo iyo is qadarin oo ay ku dheehan tahay xadaarad fac weyn.

Taasoo ay caddeeyen qorayaashii badmareenadda ahaa ee dalkeena imaan jiray iyaga oo had iyo jeer ku soo xiran jiray xeebaha Banaadir sida Xamar (Mogadishu), Warshiikh, Marka Baraawe iyo Kismaayo iwm.

Culumadaasi waxay qoraladooda ay ku xuseen in xeebaha soomaaliya ay degenaayeen qowmiyada meel sare ka gaaray xadaaradda, muddo qarniyaal badan laga joogo sida ay tilmaameen badmareenadaasi caanka ahaa oo ay ka mid yihiin  “Ibna Batuuta, Vasco de Gamma, Maro Pollo , Cheng Ho, Fei Hsin iyo Hslao Kolan iyo kuwa kale “

Qofku waa ilbax goormee la dhihi karaa? Waa inuu magaalo ku dhashaa ugu yaraan 5 fac  isaga, abahiisa, awoowgiisa, awoowgiisa kale kan ka sii dambeeya.

Full News 

===================================================================================

 Dr.Mahiga’s Visit in Toronto

Halkaan Ka Daawo 

===================================================================================

Dadka Qaar oo Soomaalida ah waxeey ku doodaan waxaa nahay Dal xor iyo Dad xor ah ma Runbaa Taas?

  

Siyaasada Soomaliya maalinba meel ayey joogtey 21kii sano ugu dambeysey qof walbana meel ayuu Tareenka siyaasada ka soo fuulaayey Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa soo fuuley xili ay xaalada xasaasi tahay dadkuna ay daalan yihiin xukuumad walba oo la dhisana iyadoon wax is badal ah keenin ayey ka dhamaan jirtey ama laga kaxeyn jirey waxaadna moodaa mudane Farmaajo inuusan sooyaalka taariikhda siyaasada uusan akhrisan mana xasuusan sidii ay kaga tageen asxaabtii isaga ka horeeysey oo qaarkood la oron karo waxay ahayeen kuwa Soomalida ugu kursiga jeclaa waxaana tusaale u soo qaadan karnaa Col C/hi Yuusuf Axmed oo barqo cad ka tanaasuley kursigii Madaxwenenimo iyo saaxiibkiisa ka horeeyey Prof Cali Maxamed Geedi oo aad isugu dayey inuu xoog ku joogo kadibna labadooda waxeey ku baxeen labo farood oo banaanka looga taagey waayo Madaxda soomaalida ma gaarin garaadkooda ineey tanaasulaan hadii ay fashilmaan .

Full News 

==================================================================================

Aragtiyo kala Duwan oo Shacabka Muqdisho ay ka bixiyeen Iscasilaadii Farmaajo

“Waxay ahayd in uu raaco Rabitaanka Shacabka haddii aan ogaan lahayn in uu iscasilayo wallee uma bannaan-baxneen” Faadumo Muuse….

“Farmaajo waa ku balan furey shacabka soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo Dibadiisa,” Macalin Isxaaq Xuseen Maalin…

“aniga waxaan qabaa in farmaajo uusan iscasilin balse la casiley,”  Dr Cali Kaahiye Cali

Iyadoo shacabka Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa ay sameeyeen Banaanbaxyo looga soo horjeedo in uu iscasilo Raiisul Wasaarihii hore ee DFKMG Maxamed Cabdulaahi farmaajo ayaa markii ay maqleen in uu iscasiley  Farmaajo ayaan waxaa bilaabey in aan uruuriyo aragtidooda ku saabsan Iscasilaada waxayna dhamaantood ka sinaayeen in ay aad uga xumaadeen iscasilaadiisa , qaarkood waxay sheegeen in soomaaliya waxa ay ka degi la’adahay ay tahay wax loogu yeerey beesha Caalamka.

Full News

=========================================================================================

Maxaa dhacay? “ YES, WE CAN !” Ra’iisul wasaare (Farmaajo) wuxuu lumiyay fursaddii ahayd in uu ka mid noqdo geesiyaashii Soomaaliyeed ee u soo halgamay dadkooda iyo dalkooda

Waxaa nasiib xumo ahayd,in Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo ahaa ra’iisul wasaarihii xoogga loo sheegtay jagadiisana xoogga looga qaaday,uusan ka soo bixin meeshii laga filaayay oo loogu hanweynaa,shacabku waxay doonayeen in Farmaajo uusan ka soo bixin dalka Soomaaliya jagadiisan uu sii hayo, maadaama ay shacabku doonayeen jeclaayeena in uu hoggaamiye u noqdo kuna faanaan,taariikhdooduna ay gashadaan,laakiinse mey dhicin wixii ay shacabku filayeen,waxaana shacabkii ku dhacay niyad jab iyo jahowareer markuu Farmaajo go’aansaday in uu jagadiisa ka degayo,dalka iyo dadkana uu isaga tegayo,waxayna shacabkii Soomaaliyeed ee xamaasada ku dheehnayd ay noqdeen shacab aan geesi u maqnayn hoggaamiyana u maqnayn,wuxuuna Farmaajo noqday oo uu doortay waddada ah naftayda uun aan badbaadiyo oo Muqdishow mar uun aan ka tago.

Full News

===================================================================================

Jaamacadda Muqdisho: Sixitaan Warar laga Qoray Heerka Jaamacadda 

Dhawaan ayaa lagu soo qoray meelo ka mid ah websiteyada af Soomaaliga wax ku qora xaflad lagu qabtay Jaamacdda Mogadishu oo la yidhi waxaa loogu dabbaal degayey in ay jaamacaddu ka gashay kaalinta 29aad jaamacadaha Africa

Waxaa haddaba qoraalkani isku deyayaa in uu iftiimiyo qaladaadka iyo is moodsiiska ay ku dhaceen maamulka jaamacadda Muqdisho, tiiyoo aanay is weydiin cidda qiimaysay jaamacadaha, iyo waxa la qiimeeyey?

Soomaalida mareegaha internetka wax ku qortaa si fudud wararka waa u soo gudbin karaan iyagoon aad u hubsan laakiin waxaa ii muuqata in maamulka jaamacadda laga doonayey in ay ku dhaqmaan waxa ay ardaydooda u dhigaan oo ah amaanada cilmiga iyo qofku inaan waxaan la hubsan la boodin.

Haddaan dib ugu noqdo qolada daabacday in Jaamacadda Muqdisho tahay tan 29aad ee jaamacadaha Africa waxaa weeye degel la yidhaah 4icu.org oo u diiwaan gashan nin la yidhaahdo Fabio Fatuzzo oo degan Australia. Mr Fatuzzo wuxuu leeyahay dhawr website oo kale, dhamaantoodna wuxuu ka helaa lacag xayeysiin ah.

Adduunka oo dhan waxaa ka jira shirkado ama laamo dawladeed oo isku taxalujiya in ay qiimeeyaan jaamacadaha oo markaa soo saaraan sannadkiiba liista caddaynaysa sida ay u kala sarreeyaan tayada jaamacaduhu iyagoo ka eegaya qodobo badan oo ay ugu muhiimsan tahay habka wax baridda iyo maaddooyinka ay dhigaan. Qofkii wax ka yaqaan sida jaamacadaha loo qiimeeyo waxaa markiiba u muuqanaysa in Mr Fatuzzo liistadiisu ka duwan tahay dhammaan kuwa caalamiga ah.

Waxa aad u yaab badnaa in maamulaha Jaamacadda Muqdisho isagoo ay dhici karto in aanu xitaa eegin website ka Fatuzzo uu shir qabto markaana yidhaahdo “Waxaa sharaf weyn ah run ahaan in 1000 jaamacadood oo ku yaalla qaaradda Africa in ay jaamacaddani ay ka noqoto lambarka 29 ee ugu wanaagsan waa arrin lagu farxo waxaa la rabaa markii umadda wax micno leh usoo hoydaan in dadaalka la sii wado.” Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrintani ay suurtogal ka dhigtay ka dib markii la arkay waxqabadka Jaamacadda Muqdisho.

Full News 

===================================================================================